Home / Cayaaro / Seddex xiddig muhiim ah oo United u soo laabtay kahor kulanka Liverpool

Seddex xiddig muhiim ah oo United u soo laabtay kahor kulanka Liverpool

Himilo- Manchester United waxa ay heleysaa seddex  xiddig oo muhiim u ah kooxda kahor kulanka ay wajahayaan naadiga Liverpool.

Paul Pogba, Aaron Wan-Bissaka iyo Luke Shaw ayaa dhammaan dib ugu soo laabtay garoonka Old Trafford, halka weeraryahanka qaranka France ee Anthony Martial la fahamsan yahay in uu qeyb ka yahay 18-ka xiddig ee shaxda kooxda kasoo muuqan doona.

United hoggaamiyaheeda ayaa quus taagan laakiin hadda waxaa dib ugu soo laabaty kuwa ugu muhiisan kooxda, Man Utd waxay hadda ku jirtaa marxaladdii ugu xumeyd muddo 30 sanno ah.

Kooxda Solskjaer waxa ay ku jirtaa booska 12aad, waxayna 15 dhibcood ka danbeeyaan hoggaamiyaasha Liverpool, kuwaasi oo ay u bixi doonaan isbuuca soo aadan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan