Home / Habka-Nolosha / Sergi Roberto oo ku dhow ka tegitaanka Barcelona

Sergi Roberto oo ku dhow ka tegitaanka Barcelona

Muqdisho – Sergi Roberto ayay wararku sheegayan in uu ku dhow yahay in uu ka tago Barcelona, kadib markii kooxda Catalan-ka ay lasoo saxiixatay xiddiga qadka dhexe ee Paulinho.

Nasiib-badanaahan ayaa sameeyay 141 soo muuqasho oo Barcelona ah dhammaan tartamada, macalinka kooxda ee Ernesto Valverde ayaana ku adkeysanaya in 25 jirkan uu baaqi kusii ahaan doono Camp Nou islamarkaana uu qeyb kasii ahaan doono qorshihiisa xagaaga cusub.

Si kastaba, sida laga soo xigtay Sport, Roberto ayaa dareesan in kooxda Barcelona aysan ku qanacsneyn awooddiisa isla markaana waxa uu indhaha ku haayaa inuu ka baxo albaabka Camp Nou.

Xiddigan ka soo qalin jabiyay xerada wax soo saarka ee Barcelona ayaa heshiiska uu kula joogo qandaraas ahaan waxaa lagu burburin karaa £36m.

Manchester United ayaa horay loola xariirinayay, hayeeshe kooxaha Chelsea, AC Milan iyo Juventus ayaa doonaya in ay helaan kahor dhamaadka bisha August.

Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan