Himilo FM –Sergio Aguero ayaa shaaca ka qaaday in uusan dooneynin ka tegista kooxda Manchester City wakhti kasta.
Aguero ayaa diiwaan gashaday 222 gool 322 kulan oo uu saftay Premier League tan iyo markii uu ka yimid Atletico Madrid sannadkii 2011-kii.
30 jirkan ayaa haatan ku riyaaqaya xilli ciyaareed kale oo fiican, isagoo shabaqa soo taabtay 23 jeer 30 kulan oo uu saftay, oo uu ku jiro 17 gool oo Premier League ah.
Heshiiska City ee Aguero ayaa dhacaya xagaaga 2021, laakiin xiddiga reer Argentine ayaa si maldahan u sheegay in uu diyaar u yahay inuu wakhti dheer sii joogo kooxda.
“City waa koox weyn oo heysata tababare wanaagsan,” ayuu yiri Aguero.
Waxa uu intaa raaciyay “City waa koox guuleysata oo leh tababar kubadeed, maxaan kaloo doonayaa?” Aguero ayaa u sheegay The Mirror.
Aguero ayaa seddexley dhaliyay laba ka mid ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee uu saftay Premier League.