Home / Habka-Nolosha / Sergio Aguero oo qorsheynaya inuu ka tago Manchester City 2019.

Sergio Aguero oo qorsheynaya inuu ka tago Manchester City 2019.

Muqdisho – Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa shaaca ka qaaday inuu qorsheynayo inuu kooxda ka tago dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda si uu ugu laabto kooxdiisii hore Independiente.

Aguero ayaa ku biiray City 2011kii, wuxuuna jabiyay rikoorkii gooldhalinta ee kooxda oo dhan, markii uu dhaliyeye 179 gool 265 kulan oo uu u saftay Citizens-ka.

Xiddiga reer Argentine ayaa lala xiriiriyay qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn qaaradda Yurub intii lagu guda jiray joogitaankiisa garoonka Etihad Stadium, lakiin waxa uu sheegay inuu rajeynayo inuu ku laabto kooxdiisii ​​Independiente markii uu qandaraaskiisu dhaco 2019.

“Waxa isoo gaaray in Milan iyo Real Madrid ay i doonayaan, Laakiin fikraddayda ayaa had iyo jeer ah inaan dib ugu laabto Independiente marka qandaraaskeyga City uu dhamaaado 2019, “ayuu u sheegay wariyaasha intii uu ku sugnaa waajibaadkiisa caalamiga ah.

Aguero ayaa ku guuleystay labo horyaal oo Premier League ah iyo labo League Cup intii uu joogay City, isagoo dhaliyey goolkiisii ​​ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedkii 2012 kaas oo Muwaadiniinta ka saaciday horyaalka.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan