Home / Habka-Nolosha / “Sergio Aguero waa halyey – ‘legend'” – Pep Guardiola.

“Sergio Aguero waa halyey – ‘legend'” – Pep Guardiola.

Muqdisho – Macalinka kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaa ku qeexay halyey weeraryahanka kooxda, Sergio Aguero kadib markii uu laacibkan u dhaqaaqay rikoor-ka gool dhalineed ee ugu sarreeya City, wuxuuna labo gool usoo jirsaday laacibka ugu goolasha badan taariikhda City.

Weeraryahanka reer Argantina ayaa ka dhaliyay lix saddexley Premier League dhammaan waxa uu u dhaliyay Sky Blue, waxaana ka mid ahaa saddexleydii uu u dhaliyay City kulankii Watford ay 6-0 kaga adkaadeen sabtigii.

29-jirkan ayaa dhaliyay 175 gool tan iyo markii uu kusoo biiray City sanadkii 2011, Eric Brook ayaa heysta rikoorka ugu sarreeya ee kooxda oo ah 177 gool.

Ciyaaryahankii hore ee England Brook, ayaa City ku sugnaa 1928-1940, isaga oo gooolashiisa ku dhaliyay 494 soo muuqasho, halka  Aguero uu Goolashiisa ku ansixiyay 259 kulan.

“Waxaan rajeynayaa in rikoorku dhici doona sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaan yeelan doona xaflad weyn,” ayuu yiri Guardiola.

Wuxuu intaas kusii daray: “Waa halyey, waana qeyb kamid ah taariikhda kooxda.”

Aguero ayaa sddexley kusoo dhaliyay garoonka Vicarage Road isaga oo dhaliyay 127 gool Premier League, wuxuuna dhaafay ciyaartoyda Robbie Keane and Nicolas Anelka kuna heer noqday Jimmy Floyd Hasselbaink.

Laacibkii hore ee England kaas oo ah ninka ugu goolasha badan Premier League-ka Alan Shearer ayaa dhaliyay 260 gool 441 soo muuqasho oo uu sameyay, wuxuu isku dayi doonaa Aguero helidda 30 gool oo horyaalka ah xagaagan.

Aguero ayaa dhalinayay 20 iyo wax ka badan afar kamid ah lixdii sano ee lasoo dhaafay, 26 gool ayuu dhaliyay markiisii ugu sarreysay oo aheyd xagaagii 2014-15.

Liverpool weeraryahnkeedii hore ee Luis Suarez ayaa ahaa laacibkii ugu danbeeyay ee dhaliya 30 EPL-ka xagaagii 2013-14.

Weeraryahanka Tottenham, Harry Kane ayaa ahaa laacibka ugu goolasha badan Premier League labadii sano ee lasoo dhaafay isaga oo kala dhiyay 29 gool iyo 25 gool.

Ciyaartoyda ugu goolasha badan City waxaa horboodaya Eric Brook oo dhaliyay 177 gool, Aguero oo ansixiyay 175 gool, Tommy Johnson oo leh 166 gool, Colin Belle oo saxiixay 153 gool iyo Joe Hayes oo isna dhaliyay 152 gool.

Aguero Lix ciyaaryahan ayaa kaga badan saddexleyda Premier League waxeyna kala yihiin Alan Shearer (11), Robbie Fowler (9), Michael Owen iyo Thierry Henry oo min (8) ah.

Sergio Aguero Premier Leagu-ka waxa uu ka dhaliyay 127 gool isaga oo saftay 186 gool 117 guul: 33 guuldarro iyo 31 caawimaad ayuu sidaas oo kale heystaa xiddigan.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan