Himilo- Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa shaaca ka qaaday inuu si aad ah ugu baahan yahay inuu qandaraas cusub u saxiixo Bernabeu.
Xiddiga reer Spain ayaa Real Madrid kaga soo biiray kooxda Sevilla 2005, daafaca dhexe ayaa in ka badan 600 kulan u saftay kooxda ka dhisan caasimadda tartamada oo dhan – isagoo kula guuleystay 20 koob intii uu joogo.
Qandaraaska Ramos wuxuu dhacayaa xagaaga 2021, waxaana jiray tallo soo jeedin xilli ciyaareedkii la soo dhaafay oo ahaa inuu jeclaan lahaa u dhaqaaqista koox ka ciyaarta horyaalka Shiinaha.
33 jirkan ayaa sheegay in kooxda ay ku xallin karto mustaqbalkiisa “shan daqiiqo gudahood” sababta oo ah rabitaankiisa ah inuu saxiixo qandaraas cusub.
Ramos – oo sidoo kale lala xiriiriyay Liverpool iyo Manchester United xagaagii hore – ayaa ku guuleystay seddex horyaal oo La Liga ah, labo Copa del Reys iyo afar koob oo Champions League intii uu joogay Los Blancos.
Dhanka kale, keliya Raul, Iker Casillas, Manuel Sanchis iyo Santillana ayaa u saftay kooxda reer Spain wax kabadan kabtankooda haatan.