Home / Cayaaro / Sevilla oo kula tartami doonta Man United saxiixa Mario Mandzukic

Sevilla oo kula tartami doonta Man United saxiixa Mario Mandzukic

Himilo- Sevilla ayaa kula dagaalami doonto Manchester United saxiixa weeraryahanka Juventus Mario Mandzukic marka la gaaro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Red Devils ay heshiis la leedahay Mandzukic, kaasoo ay kooxda Old Lady ku qiimeyso ku dhawaad 10 milyan ginni.

33 jirkan ayaan qayb ka ahayn qorshaha Maurizio Sarri ee kooxda Juventus xilli ciyaareedkan mana uusan ciyaarin hal daqiiqo ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Marca, Tababaraha Sevilla Julen Lopetegui ayaa isha ku haya inuu ka faa’ideysto xaalada Mandzukic isagoo gudbinaya dalab ay ku doonayaan weeraryahanka bisha Janaayo.

Sevilla ayaa ku dhibtootay goolal xilli ciyaareedkan, iyadoo Javier Hernandez, Rony Lopes iyo Luuk De Jong ay dhamaantood ku guul darreysteen inay buuxiyaan booska Wissam Ben Yedder.

Agaasimaha isboorti ee kooxda Juventus Fabio Paratici ayaa horaantii bishaan xaqiijiyay in Mandzukic uu xor u yahay inuu helo koox cusub ka hor bisha Janaayo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan