Home / Daraasad / Seynisyahanno shaaciyay sababta dad badan u jecel yihiin qaxwada

Seynisyahanno shaaciyay sababta dad badan u jecel yihiin qaxwada

Himilo – Dadka qaar ayaa u baahan seddex koob oo qaxwo ah si ay u gutaan waajibaadka shaqo ee maalinta halka inkale oo badan uu ku filan yahay koob keliya.

Sababta waxaa ka jawaabaysa daraasad cusub oo tilmaamtay inay jiraan waxyaabo badan oo lala xiriiri kara jaceylka dadka ee qaxwada.

Baaritaanka oo uu sameeyay sheybaarka Lawrence Berkeley National Laboratory ee ku yaalla Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhaxalka iyo deegaankaba kaalin ku leeyihiin jaceylka qofka ee qaxwada.

Paul Williams oo ah khabiirka sameeyay daraasadda ayaa tilmaamay in deegaanka qofka uu ku nool yahay lagu tirin karo sababta koowaad ee ku riixaysa jaceylka qaxwada isaga oo intaa raaciyay in qofka noqon karo mid dhaxal ahaan uu ku abuuran yahay jaceylka qaxwada iyada oo loo fiirinayo dhalashadiisa.

Natiijadda baaritaanka ayaa laga helay inka badan 4,000 qofood oo laga wareystay hab-nololeedkooda iyo sida ay qaxwada saameyn ugu leedahay.

Baaritaanno hore ayaa muujiyay in deegaanka, da’da iyo jinsigaba ay saameyn ku leeyihiin jaceylka qofka ee qaxwada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan