Himilo –Tan iyo muddo dheer, waxaa jirtay aragti laga aaminsanaa cabbista caanaha marka uu qofka qaato cunno kulul iyadoo u muuqata immika in la helay caddeynta arrintaasi.
Baarayaal katirsan jaamacadda Pennsylvania ayaa oggaaday in caanaha yihiin xalka ugu habboon ee qofka uu isaga yareyn karo kuleylka ka dhasha cuntada qaar ee guba afka.
Khubarada ayaa xusay in maado laga helo caanaha inay ka mas’uul tahay yareynta kuleylka ka dhasha basbaaska lagu qaato cuntada.
Daraasadda ayaa baartay 7 nuuc oo cabitaan ah iyadoo laga qeyb galiyay ku dhawaad 72 qofood. Dadka ayaa la siiyay cunno leh basbaas, waxaana kaddib loo raaciyay cabitaanno kala duwan.
Waxaa la qiimeynayay heerka adkeysiga dadka ee muddo ku simman 2 daqiiqo iyadoo ay soo baxday in caanaha yihiin xalka ugu habboon ee loo qaato yareynta saameynta cuntada kulul.
Natiijadda baaritaanka oo lagu daabacay wargeyska Physiology and Behavior ayaa lagu soo gunnaanaday in cabitaanada gaaska leh inay yihiin kuwa ugu sii dara xaaladda.