Home / Macluumaad / Shabakadda Facebook oo cilladii ku timid uga cudur daartay macaamiisheeda

Shabakadda Facebook oo cilladii ku timid uga cudur daartay macaamiisheeda

Himilo –Shabakadda Facebook ayaa ka cudur daaratay cillad yar oo ku timid qaar kamid ah adeegyadeeda iyadoo dadka adeegsada kala kulmeen culeyso sawirrada iyo muuqaalada lagu faafiyo shabakadda.

Dadka isticmaala shabakadda ayaa sidoo kale soo calaameeyay cillado xagga farriimaha codadka iyo qoraalka ah ee Instagram-ka iyo WhatsApp-ka.

Goor sii horreysay, shabakadda ayaa sheegtay inay ka warqabto cillada islamarkaana ka shaqeynayso in la xaliyo.

Shirkadda ayaa shaacisay in mushkilada ka dhalatay koronto la’aan dhacday iyadoo socoto howl si maalinle ah loo qabto.

Facebook ayaa bogga uu ku leeyahay shabakadda waxa uu soo dhigay qoraal u dhignaa “ 24 Saac kaddib, waa la xaliyay cillada, waan ka xunnahay dhib kasta oo aad kala kulanteen.”

Sida laga soo xigtay bogga Down Detector, waxaa la soo warinayaa inay cillad wali ka taagan sawirrada la dhigo Facebook-ga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan