Himilo-Subaxnimadii hore ee saaka ayaa safaf loo galay in dadweynuhu codkooda dhiibtaan 3 degmo oo ay caasumada Garoowe hogaaminayso
Dadweynaha Degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ayaa safafka ku jira si ay codkooda u dhiibtaan
Tirade dadka codadkooda dhiibanaya waxay gaarayaan 64 kun oo qof oo ka codaynaya 80 goobood oo saddexdaas degmo ah. Waxa doorashadan ku tartamaya 8 xisbi oo ay u sharraxan yihiin 431 musharrax oo ku tartamaya 81 kursi.
Dadweynaha ayaa codkooda ku dooranaya, mudanayaasha golaha deegaanka ee xukumi doona 5-ta sanno ee nagu soo wajahan, musharaxiin kasocda xisbiyo kale duwan oo soo galay todobaadyadii u dambeeyey loolan adag ayaa lakala reebayaa.
Saddexdan degmo ayaa noqonaya kuwii u danbeeyey ee Puntland ay ka qabanayso doorasho qof iyo cod, iyada oo sannad ka hor ay ka wada qabatay in ka badan soddon degmo.
Maalin kale, oo weyn ayay u tahay shacabka Puntland oo soo dooranaya masuuliyiintii hogaanka u qaban lahaa.
