Home / Macluumaad / Shan arimood oo ay gaar la yihiin iskuulada wadanka Japan.

Shan arimood oo ay gaar la yihiin iskuulada wadanka Japan.

 

  1. Ardayda iskuulada oo wax imtixaan ah galin seddexda sano ee ugu horeysa.
8992866742_e9cbd468bd_k-1024x768

http://radiohimilo.so

Fikraddan ah in ardayda wax imtixaan ah laga qaadin ilaa sanadda afraad ay ka gaaraan waa dhaqanka iy Qiyamka Dalika Japan.

Sida uu qabo dhaqanka Japan waa in caruurta sanooyinka hore iskuulka lagu baro waxyaabaha qadiimiga ah ee dalka iyo aadaabta intii imtixaan laga qaadi lahaa.

Waxa ay hoosta ka xariiqday dawladu iney waajib tahay aragtida lagu hormarinayo dabeecadaha caruurta lana xoojiyo xushmadda dadka kale ay u hayaan.

  1. Nadaafadda Iskuulada oo ay u xil saaran yihiin ardayda badelkii shaqaalaha Nadaafadda.
japan-children-clean-room

http://radiohimilo.so

Ardada reer Japan waxa ay nadiifiyaan fasalada iyo musqulaha qabeyska. Nuxurku waxaa weeye in ardayda la baro iskaashi kooxeed, wadaagidda masuuliyadda, iyo is-ixtiraamka dhexdooda.

Waxaa laga yaabaa in cashirkaas ama hawshaas ardayda ay ku bartaan sida loo daryeelo dadka kale, maadaama dabeecadahooda la dhisayo.

Ardayda waxaa loo kala saaraa koox-kox inta hawsha lagu jiro, sanad walbaa waxaa lagu sameeyaan isku shaandheyn, sidaa daraadeed arday walba waxa uu helayaa khibrad uu ka dhaxlo hawlaha uu qabanayo.

  1. Ardayda oo la siiyo cuno isku mid ah oo isku dheeli tiran.

Marka laga soo tago ardayda qaba xasaasiyadda oo dalab gaara leh, ardydaka kale ee reer Japan waxa ay helaan hal dalab oo kaliya, halkaa dugsiyada mareykanka iyo dalalka kale qaarkood la isticmaalo cunooyin kala ceyn ah.

Dhalaanka Japan waxa la baraa cunooyinka caafimaadka laga helo, waxaana caruurta wax u kariya kariyaal aqoon leh aadna loogu tababaray maadooyinka cunta karinta.

Barayaasha iyo ardayda wey isla khadeeyaan, taasi oo loogu tala galay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya ardayda iyo macalimiinta.

  1. Ardayda Japan Dugsiyada waxaa lagu baraa farshaxan dhaqameedka dalka.
japanese-classroom-1024x576

http://radiohimilo.so

Waxaa aas-aas u ah shuruucda dalkaas in ardayda la baro dhaqanka dalkooda sida Shodo iyo haiku oo ka mid ah dhaqamada ay qadariyaan.

Ardayda waxaa lagu baraarujiyaa qiyamka dalka, dhaqamadii hore ee uu lahaan jiray dalku iyo kheyraadka wadanka uu leeyahay.

  1. Ardayda Japan oo dhan waxa ay iskuulada u xirtaan dhar isku mid ah.
3492802791_d64b213a18_b

http://radiohimilo.so

Laga soo bilaabo iskuulada hoose iyo kuwa sare, dhamaan ardayda Japan waxaa laga rabaa iney xirtaan dhar isku nooc ah iyagoo kala heer sareeya, balse waxa ay isticmaalaan dhar badan oo ay la wadaagaan militariga, bad-maaxayaasha.

Dhaqankaas ardayda waxa uu dareensiiyaa iney hal bulsho yihiin, sidoo kale in aysan jrin wax faquuqid ah iyo kala koreyn, tani ardayda waxa ay u ogolaaneysa iney diiradda saraan wax barashada.

Qaar ka mid ah iskuulada Japan waxa ay leeyihiin sharciyo aad u adag oo ku dhisan waxa la yiraahdo Fashion oo ardayda waxaa lagu amraa iney boorsooyn soo qaataan ay hab gaar u habeeyaan timahooda.

 

W/T:- Ahmad Haadi

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan