Home / Macluumaad / Shan Qodob Oo Aad Ka Heli karto Dhiiranaan, Markaad Cajis Dareento !

Shan Qodob Oo Aad Ka Heli karto Dhiiranaan, Markaad Cajis Dareento !

Marka aad leedahay hadafyo dheer waxa aad u shaqeyneysaa dhanka guusha, waad ogtahay in ay  hawl kuu taalo, sameyntooda ma dareemeysid.

haa

http://radiohimilo.so

Hase ahaatee waxaa adag inaad sii daa’into ama aad diiradda sii saarto waxaad ahaaneysaa hadii xaaladdaas gasho mid niyad jabsan.

Caadiyan qof kasta waxa uu wajahaa maalmahan oo kale, mararka qaar waxaan la darisnaa wal-wal, naxdin idinkood shaqooyinka ayey nooga soo dhex baxaan.

Waayaha dunida oo kala duwan xiliyo murugo ayaa nagu milanta, wakhtiyo kale waxaan dareenaa caajis inaan wax qabsano naga hor istaaga ama hoos noo dhiga. Laakiin waxaas oo dhan waxba ka soo qaadin ileen waa xaal aduune.

Waxaad haysataa labo hab oo aad qaadan karto maalmahaaga caajiska, inaad iska fariisato gacmahana aad isa saarto oo aad isku dhiibto caajiska.

Taa badalkeeda si nafsiyan ah ayaad isugu diyaarin kartaa inaad noqoto mid wax soo saar leh oo dhiiri gashan waana sida fiican.

Haddaad qaadato go’aankaas dambe waxaa aad raaceysaa tilmaamo ay dajiyeen khuburo wax badan ka qoran cilmi nafsiga dadka tixraaca waaa kuwan.

  1. Iska Yaree  Shaqooyinka xad dhaaf ah  ee aad qabato.

Hawlaha badan ama ahdaaftu ma dhib yara ku dhex jirkooda sidaas daraadeed waa inaad isku daydaa yareynta camalkaada badan.

Balse waxaa lagu leeyahay waxaa wanaagsan inaad hal shaqo aad xooga saarto cabsidii ayaa kaa yaraaneysa dhiifanaan waad heleysaa.

  1. Sii Jirkaada Jimicsi ama dhaqdhaqaaq.

Mararka qaar ma jecleysaneysid inaad wax sameyso sababtoo ah ma aadan sameyn jimicsi waxa uu kaa saacidi lahaa fir-fircooni aad hesho.

Sidaas daraadeed samee xoogaa bood bood ah ama or-or ku dhex soc soco gurigaaga wax walba wey shaqeyn doonaa xididada dhiigaada ayaa fur furmaya.

  1. Diiradda Saar hal wax ama hal shaqo.

Waxaad dareemi kartaa  naxdin ku biyo shubaneysa qabashada hawo badan oo kuu yaala, waxa ay bur burin karaa naxdintaas rajadaada.

si taas aysan kuugu dhicin hoosta ka xariiqo ama magacaw hal shaqo kana miro dhali waxa ay kaaga muhiimsan tahay kuwo badan.

markaad hanato ku xiji kuwo kale.

  1. Qaado Nasiino si aad isku jaajareyso.

Mid ka mid ah waxyaabaha lagu xoojiyo yoolka waa inaad  fasax ka  hesho wax walba oo aad ka qaaday mooraal jabsan sameyntiisa.

Nasiino aad qaadato waxa ay keeneysaa inaad awood iyo fir fircooni dheeraad ah aad yeelato oo aad dib ugu laabato shaqadaadii adoo u baahan.

  1. Abaal Mari Naftaada.

Cilmi baarid ayaa waxa ay soo bandhig tahay in dadku badanaa ay hawl sameeyaan waxa ay ku reebtaa daah iyo jajab.

Sidaa aad uga badbaado waxaa fiican inaad naftaada aad ka ilaaliso waxyaabaha dhibka u keeni kara oo aad u raaxeyso kuna dadaasho cibaadada alle.

 

W/Q:- Axmed Haadi

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan