Home / Habka-Nolosha / Shanghai Shenhua – “Tevez sidaan ka filaynay manoqon”

Shanghai Shenhua – “Tevez sidaan ka filaynay manoqon”

Muqdisho – Guddoomiyaha kooxda Shanghai Shenhua,  Wu Xiaohui ayaa laacibka reer Argentine oo ay lacagta badan kasoo bixiyeen uu yahay fashil – mana uusan la kulmin filashadii ay ka sugayeen.

Tevez ayaa 3 gool dhaliyay 13 kulan oo uu u ciyaaray kooxda taniyo bishii December sanadkii hore. Macalinka kooxda ayaa 33-jirkan ku tilmaamay mid jir ahaan cuslaaday oo aan laga filan karin in badan.

“Filashadeennu waxay ahayd keenista laacibka saameyn ku yeesha guulaha ay doonayno inaan gaarno,” ayuu yiri. “Laakiin la’aanta tabbabar joogta ah iyo cimilada la qabsigeeda, Tevez lama kulmin sidii aan ka rabnay.”

Shenhua ayaa booska 12aad kaga jirta kala horreynta horyaalka Shiinaha. Maalintii Sabtida 6-1 waxaa ku garaacday kooxda Shanghai SIPG taas oo ka dhigan guul-darradii shanaad oo xiriir ah.

“Waxaan qiimeyn karnaa in door ah sababaha jira waana inaynu sii dhursugnaa.”

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan