Home / Dhaqaale / Shaqo mushaarkeedu yahay $130,000 laakiin caqabadeeda leh

Shaqo mushaarkeedu yahay $130,000 laakiin caqabadeeda leh


Himilo FM – Waxaa lagu tirin karaa shaqooyinka ugu mushaarka badan caalamka. Halka laga shaqeynayo waa jasiirad aan ka fogeyn magaalada San Francisco ee dalka Mareykanka.

Sida uu tilmaamay bogga “Travel and Leisure” waxaa shaqadan loo soo bandhigay lamaanayaasha doonaya inay ku noolaadaan kana shaqeeyaan hotel ku yaalla jasiirad aan ka fogeyn San Francisco oo katirsan Mareykanka.

Waxay ku taalaa jasiiradda gacanka Bablow, waxaana la doonayaa in laga shaqeeyo afar maalin toddobaadkii. Hoteelka ayaa raadinaya shaqaale cusub kaddib markii shaqaalaha xilligan jooga shaaciyeen inay ka tagayaan shaqada.

Dadka doonaya shaqooyinka waxay ka howlgali doonaan dhinacyada nadaafada, xisaabinta, cunto karinta iyo soo dhaweynta martida oo la geynayo hoteelka ama laga soo qaadayo.

Waxaa xusid mudan in looga baahan yahay dadka soo codsanaya shaqooyinka inay yaqaan wadista doomaha oo loo arko xirfad muhiim ah marka laga shaqeynayo hoteelka ku yaalla jasiiradda.

Dad badan ayaa jecleystay shaqooyinkan laakiin kuwa badan ayaa ka gaabsanaya sababtana waa in jasiiradda aysan laheyn telefishin la daawado ama Internet.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan