Home / Dhaqaale / Shaqooyinka Mareykanka ee abuurmay oo ka badan filashada bishii December

Shaqooyinka Mareykanka ee abuurmay oo ka badan filashada bishii December


Himilo FM – Mareykanka ayaa abuuray shaqooyin ka badan inta la filayay sanadkii hore sida ay muujiyeen xoggo cusub oo dowladda soo saartay.

Loo shaqeeyayaasha ayaa suuqa ku soo kordhiyay 312 kun oo shaqo, waa inka badan filashada bishii December oo gaaraysa 177 kun oo shaqo.

Shaqo la’aanta Mareykanka ayaa lagu qiyaasay 3.9% . Celceliska lacagta lagu bixiyo saacadii ayaa korortay oo noqotay 3.2%, waxay ahayd 3.1 bishii ugu danbeysay.

Waxaa kobcay faa’iidada suuqyadda saamiyadda dalka Mareykanka sida laga soo xigtay warbixinta waaxda shaqaalaha ee Mareykanka.

Khubarada ayaa sheegaya in heerka shaqo la’aanta dalka muujinayso sida dhaqaalaha Mareykanka u caafimaad qabo inkastoo cabsi badan laga muujiyay suuqyada saamiyadda dalkaasi oo hooseeyay bilihii ugu danbeeyay.

Paul Ashworth oo madax ka ah Capital Economics ayaa sheegay in heerka shaqo la’aanta uu abuurayo rajo yar oo loo baahan yahay in laga feejignaado waxa dhici kara.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan