Home / Arrimaha Bulshada / Sharikadda iska leh Facebook ee Meta oo ceyrineysa 10k oo shaqaale ah

Sharikadda iska leh Facebook ee Meta oo ceyrineysa 10k oo shaqaale ah

Sharikadda Meta ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku sameyneyso shaqaale dhimis, si ay uga soo kabato khasaaraha maaliyadeed ee soo gaaray.

War ay soo saartay Sharikadda Meta waxaa ay ku sheegtay in shaqaalaha qeybta Tignolojiyadda la dhimayo dhamaadka April, sidoo kalena qeybta  Ganacsiga la dhimayo dhamaadka  May.

Milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa sheegay in tani uu ka xunyahay laakiin ay tahay xaqiiqo aan laga gudbi karin oo ay tahay in la sameeyo kaliya.

Sharikadda ayaa xilli xisaabeedkii 3aad ee xisaab xirkeeda la kulantay khasaaro xiriir ah taas oo walaac ku abuurtay madaxda Sharikadda Meta ee ay hoostagaan Facebook, WhatsApp, Instagram iyo Massanger.

Markii uu soo baxay warka dhimista shaqaalaha ee Meta waxaa 6% sare u kacay saamiyada sharikadda,waxaana tallaabadan tahay tii 2aad iyada oo biishii November ee sanadkii hore ceyrisay 11k oo shaqaale ah.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan