Home / Cayaaro / Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

Himilo-Waxa la soo afjaray todobaadkii 16-aad ee horyaalka premier League oo meel xiiso leh maraya.

Kooxaha reer Manchester ayaa la kulmay guuldarooyin xanuun badan iyaga oo sii wada qaab ciyaareedkoodii liitay.

Kooxda Hogaaminaysa horyaalka ee Liverpool ayaa ku dur-durisay kooxda Tottenham kulan ku dhamaaday 6/3.

Kooxda Arsenal ayaa iyaduna xasuuqday kooxda Crystal Palace iyaga oo sii waday baacsiga hogaamiyayaasha.

Kooxda chelsea ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Everton kulan ku dhamaaday gool la’aan.

Kadib kulamadii todobaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka premier League.

Kooxaha Newcastle, Liverpool, Arsenal iyo Bournemouth ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 2 xiddig.

Kooxaha chelsea iyo Aston Villa ayaa dhinacooda shaxda ku leh min hal xiddig.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan