Sheekada Aabihii Cunugiisa ku amray inuu tuugsado!

Himilo- Aabbe Shiinees ayaa fal ka careysiiyay dad badan wuxuu kula kacay wiilkiisa kaddib markii uu ku amray inuu boosteejada ka tuugsado maadama uu leyliga dugsiga looga soo dhiibay uusan ka shaqeynin.

Talaadadii tagtay, booliska Shanghai ayaa loogu yeeray wiil yar oo dhabarka ku sita boorsada iskuulka oo ka tuugsanaya boosteejada gaadiidka. Markii ay yimaadeen goobta, booliska ayaa arkay inanka oo dadka socotada ah weydiisanaya dhuuni uu cuno. Kolkii ay su’aaleen sida halkan uu ku yimid, wiilkan 10 jirka ah ayaa u sheegay booliska in aabihiis uu kaga tagay boosteejada saacad kahor.

“Maadaama aan ka shaqeyn waayay leyliga iskuulka layga soo diray, aabahey wuxuu igu amray inaan – inta jilbaha dhigto – ciqaab ahaan uga dawarsado boosteejada,” ayuu yiri.

Booliska ayaa intaas kaddib waxay cunno fudud siiyeen wiilka oo u muuqday mid gaajadu u dheer tahay welwel uu ka qabo xaaladda uu ku sugan yahay. Hooyada dhashay inankan oo laamaha amnigu ay war-geliyeen xaaladdiisa ayaa saacad kaddib ugu timid boosteejada si ay uga kaxayso.

Hooyadan ayaa sheegtay in seygeeda uusan la dhicin bandhiga aan fiicneyn oo wiilkooda uu ka sameeyo wax-barashada. Balse waxay si adag u qiratay in go’aankan uu aabaha qaatay aysan la qaadan marnaba.

Macadda haddii tallaab laga qaaday aabahan, balse booliska ayaa digniin iyo dardaaran waxay siiyeen hooyada.

Sheekadani ma ahan mid wax guud ka ah gudaha Shiinaha, laakiin aragtida laga bixiyay ayaa u muuqanaysa mid si un loogu garaabayo falkiisa.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan