Home / Caruurta / Sheekada Aabihii Cunugiisa ku amray inuu tuugsado!

Sheekada Aabihii Cunugiisa ku amray inuu tuugsado!

Himilo- Aabbe Shiinees ayaa fal ka careysiiyay dad badan wuxuu kula kacay wiilkiisa kaddib markii uu ku amray inuu boosteejada ka tuugsado maadama uu leyliga dugsiga looga soo dhiibay uusan ka shaqeynin.

Talaadadii tagtay, booliska Shanghai ayaa loogu yeeray wiil yar oo dhabarka ku sita boorsada iskuulka oo ka tuugsanaya boosteejada gaadiidka. Markii ay yimaadeen goobta, booliska ayaa arkay inanka oo dadka socotada ah weydiisanaya dhuuni uu cuno. Kolkii ay su’aaleen sida halkan uu ku yimid, wiilkan 10 jirka ah ayaa u sheegay booliska in aabihiis uu kaga tagay boosteejada saacad kahor.

“Maadaama aan ka shaqeyn waayay leyliga iskuulka layga soo diray, aabahey wuxuu igu amray inaan – inta jilbaha dhigto – ciqaab ahaan uga dawarsado boosteejada,” ayuu yiri.

Booliska ayaa intaas kaddib waxay cunno fudud siiyeen wiilka oo u muuqday mid gaajadu u dheer tahay welwel uu ka qabo xaaladda uu ku sugan yahay. Hooyada dhashay inankan oo laamaha amnigu ay war-geliyeen xaaladdiisa ayaa saacad kaddib ugu timid boosteejada si ay uga kaxayso.

Hooyadan ayaa sheegtay in seygeeda uusan la dhicin bandhiga aan fiicneyn oo wiilkooda uu ka sameeyo wax-barashada. Balse waxay si adag u qiratay in go’aankan uu aabaha qaatay aysan la qaadan marnaba.

Macadda haddii tallaab laga qaaday aabahan, balse booliska ayaa digniin iyo dardaaran waxay siiyeen hooyada.

Sheekadani ma ahan mid wax guud ka ah gudaha Shiinaha, laakiin aragtida laga bixiyay ayaa u muuqanaysa mid si un loogu garaabayo falkiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan