Himilo – Magaciisa waa Dr. Sanduk Ruit, waa ku guuleystaha 100,000 qalliin oo uu sameeyay noloshiisa, Ruit waa dhakhtar qalliin oo indhaha kana soo jeeda Nepal islamarkaana hagaajiya mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waa weyn adduunka.
Inta badan da’da 65-ka sanno, arageenna waxa uu noqdaa mid shucaac ah, wax walibana mugdi ayay noqdaan kaddibna waxay isku beddelaan kuwa aan waxba arki Karin.
Badi dadka ku nool dhammaan dunida ayaa la il-daran xannuunka aragga sabab la xiriirta caadka saaran isha. Tani waa sababta uu yimid Dr. Sanduk Ruit, si uu daweeyo dadka aan awoodin inay kharash badan bixiyaan.
Sida caadiga ah qiimaha lagu fulliyo qalliinada indhaha caadka uu saaran yahay waa $200 balse isaga taa waa uu ka geddisan yahay waxa uu ku daweynayaa keliya $3.
“Aad baan u aaminsannahay haddii aan awoodnay in aan Nepal wax ku sameyno, waxaan awood u leenahay in aan wax ku qabanno meel waliba oo dunida ah”, ayuu yiri Dr. Sanduk Ruit.
Boqolaal iyo kummanaan qof ayaa u yimaada si ay u helaan daawo ku filan. Intooda badan waa kuwa faqiir ah oo aan awoodin lacagta qalliinka.
Keliya shan daqiiqo ayuu ugu daweeyaa indhahooda kaddibna waxa uu Rabbi suura gal ugu dhigaa inay dib u helaan araggooda in muddo ah.
Dr. Sanduk Ruit ayaa u safra dalalka China, Nepal, India xittaa North Korea si uu dadyowga dalalkan ku nool ugu daweeyo sidii ay u heli lahaayeen araggii ay weysanaayeen. Waxa uu si shaqsi ah u daweeyay dad ka badan 100,000 oo qof. Waa qofka ugu horreeya oo ay arkaan marka ay dib u helaan arggooda.