Himilo – Lee Su Jin, oo ah 51 jir daantiste ah oo ku nool Koofur Kuuriya ayaa – muuqaal-yarideeda awgeed – waxay soo jiidanaysa indhaha dad badan.
Muggii ugu horreysay oo ay wararka ugu xiisaha badan kamid noqotay sheekadeedu waxay ahayd sannadkii 2016-ka markii sawirkeeda uu ku baahay baraha bulshada qaaradda Asiya. Waxaana ay jirtay 48 sanno. Baaritaankii lagu ogaaday inay sax tahay da’deeda, waxaa durba xigay waraysiyo ay la yeesheen fogaan-aragyada Kuuriya taas oo usoo jiiday inay caan noqoto.
Waxaa halkaas ka raacday halheys curdin ah oo – iyada oo lagu halqabsanayo quruxda dhalinyaranimadeeda muuqa ah – loogu bixiyay ‘Malaa’ikta abidkeed dhalinyar.’
Marwalba oo da’deedu sii korodhana, wejigeedu wuxuu diidan yahay inuu da’diisa dhab u metelo.
Waxaana inta badan lagu wareeraa marka ay sawir wada galaan iyada oo gabadheeda sida loo kala saari karo: tumaa hooyo loo yahay?!