Home / Arrimaha Bulshada / Sheekada haweeneydii – saacad kahor intaysan dhalin – ogaatay inay uur leedahay!

Sheekada haweeneydii – saacad kahor intaysan dhalin – ogaatay inay uur leedahay!

Himilo – Sidka dhalmada haweenku waxay aalaaba ku buuxsantaa 9 bilood, laakiin haweeney ku nool Induniisiya ayaa sheeganaysa inay umushay saacad kaddib markii ay dareentay calaamadaha lagu garto haweenka uurka leh.

Sheekadeeda ayaa hadda hadal-heyn qaran ka noqotay gudaha dalkaas.

Heni Nuraeni, oo 30 jir ah, waxay lagu soo waramay inay dhashay cunug caafimaad qaba oo saacad kahor ay dareentay inay uurkiisa leedahay.

Bishii July 18 ayay dareentay wax caloosheeda kasoo kuusmaya iyo xanuun lamid ah midkii ay ka dareemi jiray labadii ilmood oo ay horay usoo dhashay.

Mana ahayn oo kaliya inay goor hore ay kasoo wareegtay markii ay dhashay cunugeedii ugu danbeeyey, waxaa sidoo kale jirtay inaysan xiriir galmo ah la sameynin seygeeda muddo 19 bilood ah.

“Waxaan ku jiray qolkayga markii aan dareemay xanuun kedis ah oo ay igu soo ururay,” ayay tiri. “Waxaana isla jeerkiisa u cararay guriga aabbahay oo durba la iigu yeeray haweeney iga dhalisa cunuga calooshayda ku jira.”

In kasta oo miisaan uu ku kordhay jirkeeda taniyo markii ay dhashay cunugeedii danbe, haddana waxay sheegtay inaysan isku arag dhammaanba astaamaha lagu garto uurka. Sidoo kale waxay sida caadiga ah u heli jirtay dhiigga billaha ah.

Sababo caafimaad awgeed, seygeeda iyo iyada mayeelan xiriir galmo ah muddo 19 bilood ah, oo laga joogay markii ay dhashay cunugeedii u danbeeyey.

Dhaqaatiirta ayay ku adkaatay inay sabab cilmiyaysan u raadiyaan uurka iyo foosha isla socda oo marqura lasoo deristay haweeneydan.

Sheekada warkeeda oo qabsatay hadal-heynta bulshada ayaa keentay in saxaafadda, bahda caafimaadka iyo bulshada inteeda kale ay booqasho ugu yimaadaan gurigeeda si ay u xaal-wareystaan. Balse haweeneydan ayaa hadda codsaneysa in la tix-geliyo gaar-joogisteeda madaama ay booqashada badan ka qaaday walwal iyo buuq.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan