Home / Deegaan / Sheekada: Ninka 50-kii sanno lasoo dhaafay ubaxyada ku iibinayay waddooyinka

Sheekada: Ninka 50-kii sanno lasoo dhaafay ubaxyada ku iibinayay waddooyinka

Himilo – Víctor Merina ayaa billaabay ku iibinta ubaxyada waddooyinka markii uu  siddeed sanno jir ahaa, taasi oo hadda laga joogo muddo 50 sanno ah. Intii uu ku guda jiray iibinta ubaxyada ee waddooyinka waxa uu la kulmay sammaan iyo dhacdooyin aan la mahdin.

Mid kamid ah dhacdooyinkii foosha xummaa waxay aheyd markii la toogtay laba jeer kaddib dagaal dhexmaray booliiska iyo tuugada. Víctor wuxuu la noolaa 25 sanno mid ka mid ah rasaastaas oo ay dhibaato kasoo gaartay feeraha, taasi oo isaga u aheyd khatar weyn.

Hadda, Víctor waxa uu dhammaan wakhtigiisa firaaqada u huraa qoyskiisa isaga oo kalsooni jaceyl siiya xaaskiisa oo uu  isbuuc waliba u keeno ubax cusub.

“Sharciga nolosha waa in aad shaqeysaa, haddii aadan taasi sameyn, maxay micno ah oo ay leedahay nolosha,” ayuu yiri Victor.

Maalin waliba Victor ayaa ubaxyo cusub kasoo iibiya suuqa Jamaica kaddib waxa uu ku iibiyaa Viaducto oo ku taalla Mexico City.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan