Home / Habka-Nolosha / Sheikh Axmed Deedat – Shumicii fidinta diinta Islaamka

Sheikh Axmed Deedat – Shumicii fidinta diinta Islaamka

Himilo – Shiikh Deedat wuxuu ahaa han-sarreeye iyo caalim Muslim ah oo ku barbaaray dalka Koonfur Afrika kaas oo ku caan baxay doodaha furan oo uu la yeeshay culimada diinta Masiixiga. Sannadkii 1986-kii, wuxuu la dooday Jimmy Swaggart, wuxuuna xittaa fagaaraha Vatican Square kula faltamay Pope John Paul II.

Wiilkiisa, Yousuf Deedat wuxuu ugu yeeraa “Xiddiga Masrixiyadda.”

Hayeeshe, halka Shiikh Deedat uu aad ugu caan baxay garashada iyo xusuusta hibada leh oo doodihiisa laga dheehday, wuxuu sidoo kale ahaa qoraa keydiya dhigaalladiisa.

Wuxuu daabacay in ka badan 20 buugaag iyo suugaan iyo qormooyin kala duwan oo malaayiin koobi laga sameeyey dunida oo dhan.

Badi daabacadiisa waxaa lagu tarjumay luqado kale. Sannadkii 1986-kii, dalka Sucuudiga ayaa Deedat ku abaalmariyay billadda King Faisal taas oo lagu siiyay doorkiisa la xiriira adeegga diinta Islaamka.

Howshan halgankeedu dheer yahay waxay Shiikh Axmed Deedat kasoo saartay astaan u taagan dunida Muslimka guud ahaan.

Yuusuf Deedat wuxuu xusuustaa sida madax-weynihii hore ee Koonfur Afrika uu aabbihiis ugu yeeray xilli uu safar madaxtinimo ku joogay Sucuudiga sannadkii 1994-kii isaga oo u sheegaya in meel walba oo uu tago wax laga weydiinayo daaciga Muslimka ah.

“Marka uu dhalinyarada la kulmo waxay weydiin jireen: ‘Mudane Mandela siduu yahay Shiikh Deedat?”

8 August waxay ku taagan tahay maalintii uu ifka ka xoroobay kaddib markii uu muddo la xanuunsanaa fashil killida ah.  Wuxuu ku dhintay da’da 87-jir.  Wuxuu bukaan-jiif ahaa muddo 10 sanadood ah kaddib markii cudurka qalalka – stroke uu nugleeyey xubnihiisa. Mana awoodi karin inuu hadlo.

In kasta oo dhaqaatiirtu siiyeen fursad yar oo uu ku samata-bixi karo, Deedat wuxuu kusii jiray faafinta dacwada iyo ka qeyb-galka munaasabadaha dadka aan Muslimiinta ahayn lagu soo musliminayo.

Laaji Hindi oo aabbihiis kala yimid Hindiya si ay ugu noolaadaan Koonfur Afrika da’da 9-jirka, Deedat wuxuu muujiyay karti iyo dadaal kahor inta faqrigu uusan ku qasbin bannaanka dugsiga kaddibna xoogsi.

La’aanta waxbarashada nidaamiga ah illaa da’da 16-jirka, wuxuu iskiis isku bari jiray aqoonta sida aqriska, dhageysiga doodaha iyo barnaamijyada, marka loo eego mareegta Islamic Propagation Centre International (IPCI), oo ah urur uu Shiikh Deedat la billaabay saaxiibkiisa rumaad, Goolam Hoosein Vanker.

Maanta, macaahidda sida IPCI waxay kusii jiraan shaqada daaciga. Marka loo eego Jaamacad ku taalla Koonfur Afrika, Deedat wuxuu weji cusub u yeelay nidaamka dacwada Islaamiga ah. Wuxuu dhowr jeer ugu yeeray Muslimiinta inay diintooda ku ilaaliyaan qayaxnaan.

Axmed Hussein Deedat wuxuu 1 July sanadkii 1918-kii ku dhashay gobalka Gujurat ee dalka Hindiya. Wuxuuna geeriyooday sanadkii 2005.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan