Home / Caafimaad / Shiinaha: 77 jir aan xiirin timahiisa 54 sanno!

Shiinaha: 77 jir aan xiirin timahiisa 54 sanno!

Himilo FM –Dadka isticmaala warbaahinta bulshada dalka Shiinaha ayaa ku dhiiri gelinaya nin 77 jir ah in uu codsado rikoor caalami ah oo uu ka dalbanayo hay’adda Guiness World Records kaddib markii uusan jarin timahiisa muddo 54 sanno ah.

Sawirka Ake Yizheng  ayaa lagu faafiyay baraha bulshada isaga oo gabar uu waalid u yahay u raacay xarun Salon ah si loogu dhaqo timaha oo dhirirkoodu yahay 5.5 Mitir.

Gabadha ayaa soo duubtay muuqaal muujinaya shaqaalaha Salon-ka oo ka shaqeynaya timaha Ake iyaga oo dhaqaya, waxaana muuqaalka daawaday 1.5 Milyan oo qofood dhowr maalin gudaheed.

Dad badan ayaa ku booriyay ninka timaha dheer in uu codsado rikoorka hay’adda Guiness World Records hase ahaatee sababta uu u daayay timaha ayaan xiriir la laheyn caannimo iyo aqoonsi.

Mr Ake ayaa isaga oo 23 jir ah waxa uu bilaabay inuu daayo timahiisa, waxa uu aaminsanaa xilligaasi inay tahay mid ka dhigeysa isaga iyo qoyskiisa kuwa caafimaad qaba.

Gabadha uu waalidka u yahay ee uu qabo wiilkiisa ayaa u sheegtay warbaahinta in Ake uu diiday lacag dhan 570 doolar oo looga iibsanayo timihiisa toddobaatameeyadii.

Waxa uu rumeysan yahay in lacagta tahay wax aan macno laheyn marka la fiiriyo caafimaadka qoyskiisa. Mar uu ka hadlay culeyska iyo shaqada laga marayo timaha, waxa uu xusay inaysan dhib laheyn oo keliya u baahan tahay laqabsi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan