Himilo FM – Iibsiga gaadiidka Shiinaha oo ah suuqa ugu ballaaran ee baabuurta ayaa hoos u dhacay markii ugu horreysay tan iyo muddo 20 sanno ah.
Iibsiga gaadiidka ee dalka Shiinaha ayaa hoos u dhacay 6% sida laga soo xigtay hay’adda CPCA ee qaabilsan gaadiidka dalkaasi.
Warkan waxa uu ku soo aadayaa xilli uu dhaqaalaha Shiinaha dareemayo hoos u dhac saameeyay shirkadaha sameeya gaadiidka caalamka.
Waxaa kale oo warkan uu imaanayaa xilli shirkada Apple ka digtay in dalabaadka taleefanadeeda ee Shiinaha hoos u dhacaan.
Dhinaca kale, shirkada keliya ee ku guuleysatay suuqa gaadiidka ee Shiinaha laga leeyahay Geely ayaa lagu soo waramayaa inay saadaalineyso hoos u dhac sannadkan.
Shirkadaha ajnabiga ka ah dalkaasi sida Ford, Volkswagen, Jaguar Land Rover iyo General Motors ayaa dhammaantood soo wariyay hoos u dhac dhinaca iibsiga gaadiidka ah oo laga dareemay Shiinaha bilihii ugu danbeeyay.
Hay’adda qaabilsan gaadiidka ee dalka Shiinaha ayaa u sababeysay hoos u dhaca isbadalada dhaqaale iyo dagaalka xagga ganacsiga ee Mareykanka iyo Shiinaha.
Sanadkii la soo dhaafay, labada dal ayaa midba midka kale waxa uu saaray canshuuro xad dhaaf ah oo la xiriirta badeecadaha.
Waxaa kale oo hay’addu shaacisay in uusan suuqa isbadali doonin sannadka cusub ee 2019. Waxa uu Shiinaha jaray kabkii uu ku taageeri jiray iibsiga gaadiidka sanadkii hore, taasi oo saameynteeda yeelatay.