Himilo- Sida laga soo xigtay xog ka soo baxday maamulka caafimaadka qaranka Shiinaha, ku dhawaad 1.03 Milyan oo farmashiye oo heysta rukhsad ayaa la diiwaan geliyay.
Inka badan 460,000 farmashiye oo si tafaariiq ah u iibinaya dawooyinka ayaa laga diiwaan geliyay dalkaasi sida ku xusan xogta hay’adda NMPA.
Tan iyo markii uu shiinaha sameystay sharciga ama hannaanka farmashiyaasha sannadkii 1994, Beijing ayaa dhistay hay’addo, ururo iyo kooxo xirfadlayaal ah sida uu sheegay Yang Wei oo katirsan maamulka caafimaadka qaranka Shiinaha.