Himilo FM –Macallin jaamacadeed ayaa abuuray dood kulul gudaha dalka Shiinaha markii uu ardayda siiyay layli shaqo oo dhigaya inay ku darsadaan 1667 saaxiib boggaga ay ku leeyihiin shabakadda xiriirka bulshada Shiinaha ee WeChat.
Waxay tani ku helayaan ardayda darajada sarreysa ee A+. Layliga shaqo oo dood badan keenay ayaa ah in ardayga looga baahan yahay inuu ku darsado 1001 qofood si uu ugu yaraan u helo 60 darajo oo asal ahaan kamid ah 100 darajo.
Inkastoo ardayda qaar ka cowdeen layliga shaqo haddana dad badan ayaa u arkay in layliga uu ardayga u diyaarinayo nolosha dhabta ah.
“Waa layli adag, waxaan ku leeyahay shabakadda WeChat keliya 100 saaxiib, inbadan oo naga mid ah ayaa welwelsan, kuma darsan karno saaxiibbo badan,” ayuu mid kamid ah ardayda u sheegay Pear Vedeo.
Macallinka ayaa si gaar ah loogu dhaliilay in uusan tanaasulaad badan ka sameyn layliga oo aan laheyn wax ardayga aan ku wanaagsaneyn uu ku badalan karo si uusan u khasaarin dhibcaha saaran.
Waxaa culeyska ugu badan uu ka taagan yahay in layliga ardayda la siiyay 10-kii bishan Maarso, waxay keliya heystaan labo toddobaad inay ku soo dhammeeyaan.
Barayaasha qaar ayaa difaacay layliga macallinka, waxayna sabab uga dhigeen in nuuca layliga muhiim yahay marka la fiiriyo koorsada u socota ardayda oo cinwaankeedu yahay Online and New Media course.