Home / Arrimaha Bulshada / Shiinaha oo ceebeynaya dadka deymaha lagu leeyahay!
Shanghai, China - December 30, 2013: Emergence of Chinese Social Media and the rise of WeChat from Tencent in competing with Facebook.

Shiinaha oo ceebeynaya dadka deymaha lagu leeyahay!

Himilo FM –Maamulka gobalka Hebei ee dalka Shiinaha ayaa sameeyay barnaamij ku shaqeynaya taleefanada kaasi oo u oggolaanaya dadka adeegsada inay oggaadaan haddii uu ka ag dhaw yahay qof deymeysan si ay warbixin uga gudbiyaan ama ugu yaraan u ceebeeyaan.

Inaad iska bixin weydo deynta laguugu leeyahay waa arrin la isku ceebeysto wadamo badan oo caalamka ah hase ahaatee Shiinaha waxa uu u muuqdaa inuu ugu adag yahay.

Sanadihii ugu danbeeyay, maamulka Shiinaha ayaa adeegsanayay farsamooyin kala duwan oo dadka loogu cadaadinayo inay iska bixiyaan deymaha lagu leeyahay.

Sannadkii la soo dhaafay, dowladda hoose ee gobalka Sichuan ayaa billowday inay soo bandhigto magacyada iyo wajiyada dadka deymaha lagu leeyahay si loo ceebeysto laakiin maamulka Hebei ayaa hadda ku dhawaaqay barnaamij ku shaqeynaya taleefanada oo adeegsadaha u sheegaya qofka deymeysan ee ka ag dhaw haddii uu u jiro masaafo dhan 500 Mitir.

Barnaamijkan oo dood badan ka dhalatay ayaa laga heli karaa shabakadda arrimaha bulshadda ee Shiinaha laga adeegsado ee WeChat sida laga soo xigtay wargeyska China Daily.

“Waa qeyb kamid ah tallaabooyinka aan ku dhaqan gelinayno sharciga,” ayuu yiri afhayeen u hadlay maxkamadda Hebei.

Waxaa la soo wariyay in barnaamijkan uu tilmaamayo magaca qofka deymeysan iyo halka uu joogo, taasi oo fududeyn karta in warbixin laga gudbiyo lana ceebeysto.


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan