Shiinaha oo ceebeynaya dadka deymaha lagu leeyahay!

Himilo FM –Maamulka gobalka Hebei ee dalka Shiinaha ayaa sameeyay barnaamij ku shaqeynaya taleefanada kaasi oo u oggolaanaya dadka adeegsada inay oggaadaan haddii uu ka ag dhaw yahay qof deymeysan si ay warbixin uga gudbiyaan ama ugu yaraan u ceebeeyaan.

Inaad iska bixin weydo deynta laguugu leeyahay waa arrin la isku ceebeysto wadamo badan oo caalamka ah hase ahaatee Shiinaha waxa uu u muuqdaa inuu ugu adag yahay.

Sanadihii ugu danbeeyay, maamulka Shiinaha ayaa adeegsanayay farsamooyin kala duwan oo dadka loogu cadaadinayo inay iska bixiyaan deymaha lagu leeyahay.

Sannadkii la soo dhaafay, dowladda hoose ee gobalka Sichuan ayaa billowday inay soo bandhigto magacyada iyo wajiyada dadka deymaha lagu leeyahay si loo ceebeysto laakiin maamulka Hebei ayaa hadda ku dhawaaqay barnaamij ku shaqeynaya taleefanada oo adeegsadaha u sheegaya qofka deymeysan ee ka ag dhaw haddii uu u jiro masaafo dhan 500 Mitir.

Barnaamijkan oo dood badan ka dhalatay ayaa laga heli karaa shabakadda arrimaha bulshadda ee Shiinaha laga adeegsado ee WeChat sida laga soo xigtay wargeyska China Daily.

“Waa qeyb kamid ah tallaabooyinka aan ku dhaqan gelinayno sharciga,” ayuu yiri afhayeen u hadlay maxkamadda Hebei.

Waxaa la soo wariyay in barnaamijkan uu tilmaamayo magaca qofka deymeysan iyo halka uu joogo, taasi oo fududeyn karta in warbixin laga gudbiyo lana ceebeysto.


Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan