Himilo- Shiinaha ayaa daaha ka qaaday garoonka diyaradeed ee ugu weyn caalamka maalmo kahor sannad guurada 70aad ee aas-aaska xisbiga Shiinaha.
Dhismaha garoonka Daxing International Airport oo ka fog 46 km caasimadda Beijing ayaa la dhammeeyay bishii July ee tagtay.
Waxaa la rajeynayaa in garoonka noqdo kan ugu weyn dunida marka la fiiriyo tirada rakaabka isaga oo qaada ku dhawaad 100 Milyan oo qofood.
Garoonka Daxing International Airport ayaa hadda loo diyaarinayaa inuu shaqeeyo iyadoo albaabada loo furayo dhammaadka bisha September.
Shiinaha ayaa ku maal-geliyay dhismaha garoonka lacag dhan 60 Bilyan oo Doolar sida laga soo xigtay hormuudka mashruuca Li Jianhua.
Ujeedka loo sameeyay garoonka ayaa ah in uu culeyska ka dhimo garoonka ku yaalla caasimadda Beijing. Waxaa kale oo uu qeyb ka yahay qorshaha Shiinaha uu ku doonayo in uu ku noqdo suuqa ugu weyn duulimaadka rayidka caalamka marka la gaaro bartamaha 2020.
Sida ay qortay wakaalada Xinhua, garoonka ayaa qaabilaya ku dhawaad 72 Milyan oo rakaab ah iyo 620,000 oo duulimaad sannadkii.
Daxing International Airport ayaa dhaafi doonna garoonka Atlanta ee ku yaalla Mareykanka marka laga hadlayo tirada rakaabka.