Himilo FM– Dalka Shiinaha, gobalo badan ayaa qaadanaya hannaan lagula xisaabtamayo shaqaalaha nadaafadda iyadoo la adeegsanayo nidaam GPS ah.
Ku dhawaad 500 shaqaale ah ayaa lagu amray inay xertaan qalab yar oo tilmaamaya halka ay joogaan islamarkaana farriin bixinaya marka uu qofka uu joojiyo dhaqdhaqaaq muddo 20 daqiiqo ah.
Macluumaadka laga helayo qalabka yar ayaa ku dhacaya xarun maamul oo kormeer ka heysa shaqaalaha nadaafadda oo la doonayo inaysan ka bixin xeyndaabka shaqada.
Qalabka ayaa sidoo kale fursad u siinaya shaqaalaha inay riixaan mid kamid ah botonada markay wajahayaan khatar.
Inta badan shaqaalaha nadaafadda Shiinaha ayaa dhaliilay qalabka cusub iyaga oo sheegay in uusan ka run sheegeyn xitaa haddii wadada nadiif tahay.
Dad badan ayaa baraha bulshada Shiinaha dhigay qoraallo ay kaga soo horjeedaan tallaabada iyaga oo xusay in aan loo baahneyn xilli shaqaalaha nadaafadda si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda.
Yang Hai ayaa tilmaamay in barnaamijka uu yahay mid lagu dhiira gelinayo tayada shaqaalaha nadaafadda Shiinaha.