Home / Dhaqaale / Shiinaha oo qabanaya madal caalami ah oo ku saabsan shaahiga dalkaasi

Shiinaha oo qabanaya madal caalami ah oo ku saabsan shaahiga dalkaasi

Himilo- Inka badan 1200 qofood oo ka kala tagay Shiinaha iyo bannaankiisa ayaa ka qeyb galaya madasha caalamiga ah ee looga hadlayo horumarinta shaahiga.

Madashan oo ka bilaabatay gobalka Hubei ee dalka Shiinaha ayaa soconeysa labo maalin, waxaana lagu soo bandhigayaa 20 dhacdo oo uu ku jiro bandhigga shaahiga iyo ka ganacsigiisa.

Sida ay qortay wakaalada wararka Shiinaha, madasha shaahiga ayaa hal-ku-dheg u qaadatay “Ku biirinta shaahiga qorshaha Belt and Road Initiative iyo sidii caalamka loo jecleysiin lahaa shaahiga Shiinaha.”

Qoddobada laga hadlayo waxaa kamid ah taariikhda ganacsiga shaahiga Shiinaha iyadoo ganacsatada soo bandhigayaan wax-soo saarkooda shaahiga.

Qaban qaabada madasha ayaa loo tiirinayaa ururka Shiinaha ee dhiira gelinta wadashaqeynta caalamiga ah ee beeraha iyo maamulka gobalka Hubei ee dhaca bartamaha dalkaasi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan