Home / Arrimaha Bulshada / Shiinaha : Shaqaale lagu ciqaabay inay ku guur-guurtaan wadada!

Shiinaha : Shaqaale lagu ciqaabay inay ku guur-guurtaan wadada!

Himilo FM – Shirkad ku taalla gobalka Shandong ee dalka Shiinaha ayaa lagu dhaleeceeyay inay lix kamid ah shaqaalaheeda ku qasabtay inay ku guur-guurtaan wado iyadoo ciqaab looga dhigayo inaysan xaqiijin heerka iibinta ee shirkada ay tiigsaneysay.

Tallaabadan bahdilka ah ayaa la soo wariyay inay ka dhacday magaalada Zaozhuang, waxaana muuqaalka arrinta naxdinta leh duubay dad wadada marayay.

Muuqaalka ayaa muujinaya lix qofood oo ku guur-guuranaya wadada oo ay ka jirtay saxmad xooggan iyadoo la arkayay qof socda oo sida calanka shirkada ay u shaqeynayeen.

Waxaa la tilmaamay inay shaqaalaha u qaateen tallaabadan bahdilka ah ee sida weyn loo cambaareeyay iyaga oo ka baqayay inay waayaan shaqadooda.

Nasiib wanaag, waxaa soo gaaray goobta booliiska oo lagu wargeliyay dhacdada argagaxa leh, waxaaana sidaasi lagu soo gabagabeeyay ciqaabtii heysatay shaqaalaha.

Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa soo warisay in la hakiyay shaqada shirkada islamarkaana hadda la sameynayo baaritaan dheer oo arrintaasi la xiriira.

Shirkada oo aan la shaacin magaceeda ayaa la xusay inay ka shaqeyso isqurxinta iyadoo ku guuldareystay inay xaqiijiso yoolkii wax iibinta oo ay hiigsaneysay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan