Home / Caafimaad / Shiinaha: Toddobaad gaar ah oo loo sameeyay caafimaadka dadka da’da ah

Shiinaha: Toddobaad gaar ah oo loo sameeyay caafimaadka dadka da’da ah

Himilo FM –Shiinaha ayaa ku dhawaaqay qorshe soconaya muddo toddobaad ah oo ujeedkiisu yahay in lagu hagaajiyo caafimaadka dadka gaaray da’da fog.

Waxaa shaaciyay qorshaha Wang Hai oo ah agaasimaha qeybta dadka da’da ah ee hay’adda caafimaadka qaranka dalkaasi.

Mr Wang ayaa shir jaraa’id ka sheegay in ololaha la qaban doonno sannad kasta si loo dhiira geliyo daryeelka dadka da’da ah.

Ka warheynta macluumaadka caafimaadka iyo inaad noqoto muwaadin caafimaad qaba ayaa hal-ku-dheg looga dhigay ololaha toddobaadka caafimaadka dadka da’da ah ee Shiinaha.

Waxaa si weyn looga hadlayaa siyaasadaha adeegga caafimaadka si loo abuuro deegaan bulsho oo ku habboon nolosha dadka gaaray da’da fog.

Nidaamka caafimaadka ee dadka da’da ah ee Shiinaha ayaa wajahaya caqabado badan sababo lala xiriiriyay korriimada deg degga ah ee dadka waaweyn.

Sannadkii 2018, dadka da’da ah ee Shiinaha ayaa gaaray 249 Milyan oo qofood oo u dhiganta 17.9% tirada shacabka dalkaasi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan