Shiinaha: Wiil galay xaalad adag intii ay socotay xafladda arooskiisa!

Himilo FM – Dalka Shiinaha, wiil aroos ah ayaa galay xaalad adag isaga oo u dabaal degayay xafladda arooskiisa oo ay si kedis ah u soo gashay saaxiibtiisa hore.

Sida uu muujiyay muuqaal la soo duubay, waxaa xafladda si xoog ah ku soo galaysa gabar wadata dharka arooska oo soo istaagaysa booska arooska iyadoo bilaabaysa inay gacmaha ka qabsato saaxiibkeedii hore oo garab taagan gabadha uu guursanayo.

Wiilka iyo gabadha arooska ah ayaa isku dayay inay iska indho tiraan gabadha laakiin waxay u muuqatay mid adag oo dooneysay inay muujiso jiritaankeeda.

Gabadha soo gashay xafladda ayaa ku qeylinaysay arooska oo ay sheegtay inuu ka tagay islamarkaana uu khaldan yahay.

Warbaahinta qaar ayaa tilmaamtay in arooska iyo gabadha soo gashay xafladda kala tageen waxyar kahor guurka sababo lagu sheegay khilaaf xagga shaqsiyadda ah.

Ugu danbeyn, gabadha aan la shaacin magaceeda ayaa looga tagay xafladda iyadoo arooska ka dhaqaaqeeyn goobta. Ma cadda haddii dhacdada ahayd mid qorsheysan oo loogu tala galay in dhibaato looga dhax abuuro arooska cusub.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan