Home / Arrimaha Bulshada / Shiinaha: Wiil galay xaalad adag intii ay socotay xafladda arooskiisa!

Shiinaha: Wiil galay xaalad adag intii ay socotay xafladda arooskiisa!

Himilo FM – Dalka Shiinaha, wiil aroos ah ayaa galay xaalad adag isaga oo u dabaal degayay xafladda arooskiisa oo ay si kedis ah u soo gashay saaxiibtiisa hore.

Sida uu muujiyay muuqaal la soo duubay, waxaa xafladda si xoog ah ku soo galaysa gabar wadata dharka arooska oo soo istaagaysa booska arooska iyadoo bilaabaysa inay gacmaha ka qabsato saaxiibkeedii hore oo garab taagan gabadha uu guursanayo.

Wiilka iyo gabadha arooska ah ayaa isku dayay inay iska indho tiraan gabadha laakiin waxay u muuqatay mid adag oo dooneysay inay muujiso jiritaankeeda.

Gabadha soo gashay xafladda ayaa ku qeylinaysay arooska oo ay sheegtay inuu ka tagay islamarkaana uu khaldan yahay.

Warbaahinta qaar ayaa tilmaamtay in arooska iyo gabadha soo gashay xafladda kala tageen waxyar kahor guurka sababo lagu sheegay khilaaf xagga shaqsiyadda ah.

Ugu danbeyn, gabadha aan la shaacin magaceeda ayaa looga tagay xafladda iyadoo arooska ka dhaqaaqeeyn goobta. Ma cadda haddii dhacdada ahayd mid qorsheysan oo loogu tala galay in dhibaato looga dhax abuuro arooska cusub.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan