Home / Caafimaad / Shiinaha: Wiil kelidiisa iibsaday si uu u gato Iphone!

Shiinaha: Wiil kelidiisa iibsaday si uu u gato Iphone!

Himilo FM – Dhowr sanno kaddib markii uu iibiyay mid kamid ah kelidiisa si uu u helo taleefan Ipad ama Iphone ah waxa uu hadda wajahayaa Wang xaalad caafimaad darro oo liidata.

Wargeyska Daily Mail ayaa ku soo waramaya in wiilka dhallinyarada ah oo da’diisu tahay 25 jir inuu gabay socodka kaddib markii uu culeysyo kala kulmay dhinaca kelyaha iyadoo uu iibiyay kelidiisa middigta isaga oo 17 jir ah.

Ujeedka uu arrintaasi u sameeyay waxay ahayd inuu lacagta uu helo ku iibsado Ipad 2 ama Iphone 4 si uu asaagii ugu muujiyo inuu yahay da’yar la jaanqaadaya waayaha cusub.

Waxaa la tilmaamay inay Internet-ka ka wada xiriireen dadka ka iibsaday kelidiisa islamarkaana siiyeen lacag dhan 35 kun oo doolar hase ahaatee waxa uu helay keliya 3500 doolar. Waxaa la aaminsan yahay inay inta kale ku baxday dhaqtar iyo dhowr qofood oo kale oo dalaal ka ahaa howsha.

Hooyada oo oggaatay arrintan ayaa booliiska ku war gelisay sheekada, waxaana  Shiinaha uu dhowr qofood oo uu ku jiray dhaqtarka u xeray arrintaasi.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan