Himilo – Dhacdo layaab leh, inka badan seddex Milyan qofood ayaa daawatay xafladda arooska lamaane iscalmaday oo munaasabadooda toos looga baahiyay Internet-ka.
Tani waxay ka danbeysay cabsida laga qabo cudurka Corona oo hay’adda caafimaadka adduunka ku dhawaaqday in uu yahay xannuun safmar ah caalamia ah.
Liu Wenshao iyo Sun Hanxiao ayaa nasiib u helay in xafladooda arooska baraha bulshada kala socdaan inka badan seddex Milyan qofood.
Sida uu qoray Daily Mail, lamaanayaasha oo da’dooda tahay 27 jir ayaa toos ka dhigay xafladooda arooska markii ay u suura geli weyday asxaabta iyo qaraabada inay soo xaadiraan sabab la xiriirta safmarka caalamiga ah ee Corona.
Dhacdadan waxaa laga so wariyay Hangzhou oo ah halka ay ku dhalatay Sun Hanxiao.