Shirkad Starship technologies ayaa ku guuleysatay in ay soo saarto robotyo kuwii ugu horeeyay kuwaasi oo loo adeegsan karo adeegyadda cunto geynta iyo Emailada 3 magaalo oo ku taala Swizarland .
Mareegtada wararka tiiknolojiyadda wax ka qorta ee la yiraahdo ‘the vergo’ ayaa tilmaameysa in robotyadan lagu tijaabiyay waqti sii horeeyay dalalka ingriiska iyo jarmalka .
Shirkadda Starship Technologies ayaa shaacisay in Robotkan uu noqon doono mid ay ka faaiideystaan shirkado badan loona isticmaali doono adeegyada sida cunto geynta guryaha iyo Emailada qaar.
Waxa kale oo ay shirkadu sheegtay in robotyadan ay geyn doonto suuqyadda caalamka bilaha soo socda ayaa lagu wadaa in loo iib geeyo gudaha dalka Mareykanka.