Himilo FM –Shirkadda Isgaarsiinta Somtel Somalia oo ku caan-baxday inay had iyo jeerba soo kordhiso adeeg isgaarsiin oo casri lana jaanqaadaya isbeddalka tiknolojiyadda dunida, si ay u haqabtirto baahiyaha isgaarsiineed ee ay qabaan shacabka soomaaliyeed waxay soo kordhisay adeegyo cusub.
Somtel Somalia waa shirkaddii ugu horeysay ee dalka keenta adeega 4G LTE ee Mobile internet xawaarihiisuna yahay “peak rate ~150Mbps, typical user rate downlink 10~20Mbps, typical user uplink 5~10Mbps” xawaarahaas oo bulshadii tijaabisay ku qanceen aadna ula dhaceen.
Adeegyada cusub ee Somtel
1. Adeega 4G LTE Advanced ama 4G+, kaas oo xawaarihiisu yahay “peak rate ~1Gbps, typical user rate downlink 30~100Mbps, typical user uplink 10~60Mbps” waa adeeg dunida ku soo biiray 2016 ahna adeeggii ugu danbeeyay dhanka mobile internet-ka uguna xawaare badan. Sanadkan 2019 waxaa la rajeynayaa in dunida uu kusoo kordho adeega 5G.
2. Xirmooyinka Kaafiye, waa adeeg ku shubasho data internet iyo ku hadal iswata oo qiimo jaban si bulshada Soomaaliyeed looga haqabtiro baahiyaha internet iyo ku hadalka moobilka. Xirmooyinka waxa ay ka kooban yihiin $0.5 = 560 Mb $1= 1.1 GB oo u dhiganta 1,126 MB+ 10 Daqiiqo oo hadal ah. $2=2.3 GB oo u dhiganta 2,354 MB+ 25 daqiiqo oo hadal ah. $3=3.5 GB oo u dhiganta 3,584 MB +40 daqiiqo oo hadal ah. Si qofka uu uga faa’iideysto xirmooyinkaan waa in qofku adeega eDahab u furanyahay
3. Adeega La wadaag, waa adeeg kuu sahlaya in aad la xiriirto qofka aad rabto marka lacagta ku hadalka ay kaa go’do ama kaa dhamaato adigoo la wadaagaya lacagta hadalka ee ugu jirta qofka aad waceyso haddii uu ogolaado in aad la wadaagto lacagta ku hadalka ee ugu jirta taleefankiisa.
4. Adeega Dahabi, waa adeeg aad ka maamulan karto xisaabta kaaga furan Dahabshil Bank International (DBI). Sida ogaanshaha haraaga xisaabtaada, Lacag Dhigasho iyo Kala bixid xisaabtaada 24/7 iyo warbixin kooban oo dhaqdhaqaaqyadii u danbeeyay ah.
5. Adeega Xawaalada Mobile-ka, waa adeeg ku fududeynaya in lacagta xawaalada aad ka dirto Mobilkaaga dunida oo dhan adigoo jooga gurigaaga ama goobtaada shaqo. Si aad uga faa’iideysato adeegaan waa in adeega eDahab kuu furan.
buy propecia in netherlands It s overall positive, though most studies are small inositol fertility supplements have been shown to prompt ovulation, improve hormonal profiles, and increase pregnancy and delivery rates for women with PCOS
de Carvalho M, Johnsen B, Fuglsang Frederiksen A Medical technology assessment safe cialis online