Home / Arrimaha Bulshada / Shirkadda TikTok iyo Mareykanka oo isku dheggen.

Shirkadda TikTok iyo Mareykanka oo isku dheggen.

Himilo- shirkada TikTok ayaa muran ka keentay maxkamadda  khusaysay in sharciga Maraykanka uu mamnuucayo TikTok  taas oo saameyn ku yeelan doonto hadalka xorta ah ee isticmaaleyaasheeda Mareykanka.

Mareykan-ka ayaa ku doodaya in xogta isticmaalayaasha mareykan-ka ay u nugushahay inay gacanta u gasho Shiinaha. TikTok ayaa si isdaba joog ah u dafirtay inay xiriir la leedahay maamulka Shiinaha.

Shirkadu waxay dacweeyeen inay joojiyaan sharciga horraantii bishii May, iyagoo ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo mamnuucida hadalka 170 milyan ee isticmaale oo Maraykan ah.

Guddi ka kooban saddex garsoore ayaa doodahooda ka dhageystay maxkamadda racfaanka ee Washington DC Isniintii.

“Sharcigani wuxuu soo rogayaa mamnuucid hadal aan caadi ahayn oo ku salaysan khataraha mustaqbalka ee aan go’aamin karin,” qareenka TikTok iyo ByteDance Andrew Pincus ayaa u sheegay maxkamadda.

Walaaca ku saabsan Shiinaha ayaa soo baxay goor hore, iyadoo Mr Pincus uu sheegay in shirkadda “aanay lahayn” dalka.

Mr Pincus waxa uu sheegay in dawladda Maraykanku aanay ku eedaynaynin wax khalad ah in uu dhacay – shirkaddana lagu ciqaabay soo jeedinta ah in mustaqbalka ay arrimo jiri karaan.

Waxa kale oo uu sheegay in ay bartilmaameedsatay koox shirkado ah oo ay maamusho waxa loogu yeero cadaw shisheeye, halkii ay ahayd TikTok oo keliya.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan