Home / Arrimaha Bulshada / Shirkii midowga Africa ee xaalada Congo oo war laga soo saaray.

Shirkii midowga Africa ee xaalada Congo oo war laga soo saaray.

Himilo-Shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Afrika oo looga hadlayay qalalaasaha ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa laga soo saaray baaq “xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah,” taas oo lagu dhaqan geliyo shan maalmood gudahood.

Kooxda fallaagada ah ee M23 ayaa muddo gaaban ku qabsatay dhul ballaaran oo ku yaalla bariga dalka Congo oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee DRC, iyada oo weerarradooda ay ku dhinteen kumannaan qof, halka malaayiin kalena ay barakaceen.

Dowladda DRC ayaa kooxda M23 u aqoonsan koox argagixiso ah, halka Qaramada Midoobay iyo Maraykanku ay u aqoonsadeen koox fallaago ah oo hubeysan.

Shirka oo ka dhacay dalka Tanzania ayaa waxaa ka qeyb talay madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, iyo dhiggiisa Congo, Felix Tshisekedi, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Ururka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) oo ka kooban 16 dal.

Dhanka kale, dagaal ayaa weli ka socday meel 60 km u jirta caasimadda gobolka South Kivu ee Bukavu, sida wakaaladda wararka ee AFP ay u sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah iyo kuwa amni.

Kooxda M23 ayaa toddobaadkii hore la wareegtay magaalada istiraatiijiga ah ee Goma, oo ah caasimadda gobolka North Kivu, waxaana ay hadda weerar ku hayaan gobolka deriska la ah ee South Kivu, taasoo sii hurinaysa qalalaasaha muddada dheer ka jiray gobolkaas.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan