Himilo-Shirweynaha 29-aad ee Isbeddelka Cimilada (COP29) ayaa ka bilowday caasimadda Azerbaijan ee Baku, isagoo ujeedadiisu tahay in wax laga qabto caqabadaha sii kordhaya ee isbeddelka cimilada.
Hoggaamiyeyaal ka kala socda daafaha dunida ayaa lagu wadaa inay isugu yimaadaan Baku ilaa 22-ka November.
“Maadaama heer-kulka caalamka uu gaarayo heerar cusub oo sare, dhacdooyinka cimilo xumaduna ay saameyn ku yeelanayaan dadka adduunka oo dhan, COP29 waxay isu keeni doontaa hoggaamiyeyaal ka socda dawladaha, ganacsiga, iyo bulshada rayidka ah si loo hormariyo xalal wax looga qabanayo isbadalka cimilad.” sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.
“Diiradda ugu weyn ee COP29 waxay noqon doontaa dhinaca maalgelinta, maadaama 1-tiriliyan oo Dollar, loo baahan yahay si dalalku ay hoos ugu dhigaan qiiqa ka dhasha waxyaabaha raashiinka lagu kariyo isla markaana dadka laga ilaalinayo saameynta sii xumaanaysa ee isbeddelka cimilada.”
Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Isbeddelka Cimilada ee (UNFCCC) waxaa ku mideysan dowladu badan waxaana la aasaasay 1992, kadib markii ay soo baxay warbixintii ugu horreysay ee Isbeddelka Cimilada oo ay soo saareen ururka (IPCC).
Tan iyo markii uu dhaqan galay 1994, UNFCCC waxa uu saldhig u ahaa wadahadallada caalamiga ah ee cimilada, isagoo ururku horseedday heshiisyo waaweyn sida Heshiiska Kyoto ee 1997 iyo Heshiiska Paris ee 2015.
Maanta, 198 dowladood ayaa ku mideysan ururka UNFCCC oo ka qayb gala shirar sanadeedka (COP) ee looga hadlo cimilada.