Home / Habka-Nolosha / Siberia: Da’yar 7 sanno oo xabsi ah ku muteysanaya sabab la xiriirta xermo ubax ah

Siberia: Da’yar 7 sanno oo xabsi ah ku muteysanaya sabab la xiriirta xermo ubax ah

Himilo- Booliiska magaalada Kemerovo ee koonfur galbeed Siberia ayaa gacanta ku dhigay nin xermo ubax ah ka xaday dukaan si uu ugu raali geliyo saaxiibtiisa, warbaahinta Ruushka ayaa warkan laga soo xigtay.

Ninka dhallinyarada ah oo 19 jir ah ayaa tagay dukaan lagu iibiyo ubaxyada si uu uga iibsado xermo ubax ah oo uu ku maslaxayo jaceylkiisa carreysan balse ma uusan iibsan ubaxa ee waa uu ka xaday dukaanka.

Milkiilaha dukaanka ayaa gaarsiiyay dhacdada booliiska oo mar danbe gacanta ku soo dhigay da’yarka isaga oo wareegaya wadooyinka magaalada islamarkaana xambaarsan xermo ubax ah.

Ninka aan magaciisa la shaacin ayaa qirtay falka danbiga ah, balse waxa uu xusay in uu ubaxa u xaday si uu raali gelin uga dhigo saaxiibtiisa oo ay murmeen. Waxa uu intaa raaciyay inay diiday cudur daarkiisa.

Booliiska ayaa furay dacwad ka dhan ah eedeysanaha oo loo eegayo qoddobka 161aad ee sharciga ciqaabta Ruushka oo dhigaya xabsi dhan 7 sanno oo xarig ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan