Muqdisho – Manchester United ayaa qarka u saaran inay lasoo wareegto Alexis Sanchez ka dib markii Manchester City ay ka gaabisay soo xero-gelinta saxiixa weeraryahanka Arsenal.
Chilean-kan ayaa ahaa mid xiiso ka helaya Old Trafford tan iyo maalmihii Sir Alex Ferguson, United ayaana ugu dambeyntii u muuqata mid lasoo saxiixan karta xiddigan isla markaana ku garaaci karta naadiga Pep Guardiola ee City.
Xaqiiq: Xiddigan wuu ku haboon-yahay kooxda uu hogaamiyo tababare Jose, waxaana laacibkan loo adeegsan karaa boosas kala duwan, si lamid ah waxaa is baddel ku imaan karaa Shaxda Manchester United haddi uu kusoo biro laacibkan kooxda ka dhisan Old Trafford.
Shaxda koobaad ee tababare Mou, adeegsan karo ayaa ah 4-2-3-1, shaxda hadda ee Man Utd ayaana garab loo saari garaa Alexis Sanchez, labada garab ee kooxdana waa loo adeegsan karaa, Sida aad ka arki karto Sawirka hoose.
Shaxda 3-5-2 oo sanadihii danbe si fiican uga hir-gashay EPL-ka ayuu sidaas oo kale qeyb ka noqon karaa Alexis Sanchez, sida aad ka ariki karto sawirka hoose.
Sanchez iyo Romelu Lukaku ayaa markaa hogaamin kara weeraka kooxda, hayeeshee waxaa yaraan doonta fursadaha ay helayaan laacibiinta kala ah Rashford, Martial, Lingard iyo Mata kuwaas oo hadda ah dooqa koobaad ee kooxda.
W/Q: Abdi Aziz Adan Urur.
Cabdicaziiz149@gmail.com.