Home / Arrimaha Bulshada / Sida loo maareeyo calool xannuunka bisha Ramadaan

Sida loo maareeyo calool xannuunka bisha Ramadaan

Himilo – Dad badan ayaa ka cawda calool xanuun marka la gaaro bisha barakeysan ee soon-qaad. Sida dhaqaatiirtu sheegaana xanuunka ayaa badanaa laga dareemaa qeybta sare ee caloosha.
Waxa uu ka billawdaa hal bar isaga oo ku fida illaa dhabarka mararka qaarna waxa uu gaaraa agagaaraha xabad. Waxa uu noqdaa mid muddo kooban ruuxa sooman haya, halka qaarkiisna uu dabadheeraado.
Garashada Isha rasmiga ah ee calool xanuunkan waxey ku xiran tahay qaababka xanuunka leeyahay, sida uu u fidayo, haddii uu ruuxu dareemayo marka uu gaajeysan yahay amaba dhargan yahay, iyo xaaladaha kale.
Haddii xanuunku dheeraado oo uu qofka haya wax ka badan saddex jeer toddobaadkii, waxey ku taliyaan dhaqaatiirta inuu la xiriiro dhaqtarka, si uu u helo talabixin maba daweyn.
Marka uu dareemo qofka sooman calool xanuunka ka dhasha isbaddelka xilliyada cuntada inta lagu jiro bisha soon waxaa habboon inuu ka fogaado:
1. Isticmaalka cabitaannada leh acid-ka,
2. Cabista shaaxa, kafeegga, sigaarka iyo alkolada,
3. Waa inuusan jiif doonan markii uu cunteeyaba,
4. Waana inuu ku seexdaa barkin quman marka uu jiifanayo,
Calalinta xanjada inta u dhaxeysa afurka illaa saxuurta, waa waddo kale oo ka caawin karta yareynta calool xannuunka, haddiise xanjadu tahay mid sokor badan waxey kugu sababi kartaa gaas, marka dhaqaatiiru waxey ku taliyaan inaad ka dheeraato isticmaalka noocyadaasi.
Cuntada ay duxdu ku badan tahay waa inuu ka fogaadaa ruuxa sooman, sababtoo ah waxey sababi karaan khatar kale. Dhar kugu xiran oo aad gashataana waxey cadaadin karaan caloosha, marka xiro kuwa nafis leh.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan