Home / Habka-Nolosha / Sida PSG safkeeda oo Mbappe uu ku jiro noqonayo.

Sida PSG safkeeda oo Mbappe uu ku jiro noqonayo.

Muqdisho – 18-jirkan weerarka ka ciyaara ayaa ku biiri doona kooxda caasimadda isaga oo kaga imaan doona naadiga Monaco qaab amaah ah, kooxda ay Ligue 1 kawada dhisan yihiin ayaa bixin doonta €180 million oo lacagta Yurub ah xagaaga xiga.

Da’yarkan u dhashay Faransiiska ayaa kamid noqon doona weerarka adag ee PSG wuxuuna halkaas kula biiri doonaa xiddiga dunida ugu qaalisan ee Neymar kaas oo lacag rikoor ah kaga soo dhaqaaqay Barcelona horraanti bishaan.

Haddi sida lafilayo wax u dhacaan siduu noqon karaa Formation-ka kooxda reer Faransa ee PSG.

Waxaa u furnaan doona dhowr shax oo kala duwan sida 4-3-3, 4-2-3-1, iyo 4-4-2.

Shaxa ah 4-3-3 waa midda aas’aasiga ah tababare Unai Emery, laacibiinta Edinson Cavani, Neymar and Mbappe ayaana hoggaamin doona weerarka kooxda.

4-3-3

Si lamid ah naadiga PSG waxa ay ciyaari kartaa taatikada 4-2-3-1 taas oo ka dhignaan doonta in labada laacib ee Neymar iyo Mbappe ay kala raaci doonaan labada garab garab ee garoonka daaqadda goolka ayaana la dhigi doonaa laacibka reer Uruguay Edinson Cavani.

4-2-3-1

 

4-4-2 shaxdan caadiyan nasiib kuma lahan kooxda Paris Saint-Germain hayeeshe hana-qaadka reer France ee Mbappe ayaa si fiican ugu soo dhalaalay shaxdan kulamdii xagaagi lasoo dhaafay ee Monaco.

4-4-2

Laacibiinta kala ah Julian Draxler, Angel Di Maria, Lucas Moura iyo Pastore dhamaan fursado wey ka heli karaan garoonka Parc des Princes.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan