Himilo -m Jimicsiga iyo inaad ilaalisid qaab noololeedka caafimaadka ayaa laga yaaba inay noqoto dhibaato balse ka waran haddii aad sameysid taasi adiga oo aan waxbo cunaynin wakhtiya badan maalintii?!
Bisha Islaamka ee Ramadan ayaa billaabanaysa isbuucan, iyadoo Muslimiinta ku nool dunida ay ka soomi doonan cunnada iyo cabitaanka inta u dhexeysa xilliga ay qorraxda soo baxaysa illaa xilliga ay ka dhacayso.
Dr Ranj Singh, oo ah weriye katirsan telefishinka ITV oo daadihisa barnaamijka Get Well Soon ayaa soo jeedisay saddex arrin oo muhiim ah: qaado ama cun cunnooyin wanaagssan xilliga aadan soomanayn, samee jimicsi fudud iyo in aad seexatid hurdo kugu filan.
Hurdo la’aan
Yasmiin Khaalid waxay jeceshahay inay aado goobaha jir-dhiska ayna ka qeyb qaadato fasalada jir dhiska, balse xilliga Soonka wey ku adagtahay inay aado jiimka, taasi ma ahan inay sababtay cuno la’an balse waxa keenay hurda la’aanta.
“Waxaan soo kacaa afartii arroornimo si aan cunno u kariyo, haddana Salaada ayaan tukadaa, kaddib hal saac ayaan nastaa kaddibna carruurta ayaan iskuulka u diyaariya.”
Dr Ranj ayaa sheegtay inay wanaagsan tahay in hurdo fiican la seexdo xilliga Ramadaanka.
Waxa jira caddaymo sheegaya in dadka si fiican u seexda ay qaataan cunnooyin fudud maalintii marka haddii si fiican u seexatid habeenkii waxay kuugu caawinaysa inaad ogaatid cunnooyinka aad u baahantahay xilliga aad soomantahay.
Amjad Iqbal, waa 34 sano jir, wuxuuna ka mid ahaa koox ciyaartoy ah oo ka dhisnayd magaalada Bradford, ka hor inta uusan ku biirin kooxda kale ee Farsley Celtic.
Amjad oo ay ciyaarta u maraysa bartamaha ayey qoraxda dhici jirtay.
“Tobabaraha waxa uu ilaaliyaa wakhtiga, kaddibna wuxu ii soo tuuraa nacnac si aan u cuno.”
Qaar kamid ah orodada Muslimiinta sida Moe Sbihi, ayaa go’aansada inaysan soomin xilliga Ramadaanka balse ay sadaqo u bixiyaan lacag, iyadoo ay diinta Islaamka ogoshahay in dib laga soomo maalmihii katagay qofka.
“Amjad ayaa sidoo kale ka hadlay farqiga u dhexeeya ciyaartoyda, waxaa jira qaar go’aansada inay soomaan xilliga Ramadanka iyo qaar kale oo aan ka qeyb qaadanin cayaaraha oo dhan ama ciyaara xilli u gaar ah”.
Iyadoo ay jirto jacayl uu u qaba ciyaarta Amjad ,ayuu sheegay inuu ogyahay marka ay tabartiisa hoosaysa wuxuna ka dalbada tabobarahiisa inuu badello.
“Jimicsiga kala duwan”
Dr Ranj ayaa ku talinaysa in la sameeyo jimicsiyada fudud iyadoo ka hadashay muhiimadda ay leedahay inaad ogaatid wakhtiga aad jimicsiga sameynaysid.
“Dadka ayaa badanaa sahlada jimicsiga ka hor inta aan la gaarin galbihii.”
Hase yeeshe Dr Ranj ayaa qirtay inaysan qof walba u haboonayn inay sameeyaan jimmicsiga arroortii.
Goobaha jir dhiska ayaa haatan furan maalintii 24 saac ama waxaad jimicsiga ku samayn kartaa guriga.
Waxaa sidoo kale wanaagsan inaad u socotid masaajidka intii aad gaari qaadan lahayd ama jaranjarada u raacdid gurigaada.
Haddii aad soomaysid ,waa inaad fursad u aragtaa oo aad cuntid cunnooyin isku dheelitirran sida inaad joojisid qaab nololeedka xun sida sigaarka.ayuu ku daray.