Home / Caafimaad / Sidee ayaan ku yareyn karnaa fiditaanka Corona? Tallaabo fudud ayaa jirta

Sidee ayaan ku yareyn karnaa fiditaanka Corona? Tallaabo fudud ayaa jirta

Himilo – Iyada oo caabuqa CoronaVirus uu ku fiday 154 dal oo caalamka ah, waxaa jira tallooyin badan oo ka imaanaya dalalka ugu badan ee uu saameeyay iyo hay’adaha caafimaadka caalamiga ah si loo yareeyo fiditaanka cudurka.

Midda ugu muhiimsan waa kala foggaanshaha dadweynaha oo loola jeedo in aysan dad badan isugu imaan hal goob. Eray-bixinta ayaa timid kaddib markii dad badan fududeysteen in guryaha lagu nagaado iyaga oo booqasho ku tagaya goobaha mashquulka badan.

Si loo fahamsiiyo bulshooyinka ahmiyadda kala foggaanshaha dadweyne, dalal badan ayaa qaaday tallaabooyin lagu yareynayo isku tagga dadweynaha. Qaarkood ayaa soo saaray ganaaxyo ku dhaca dadka jebiya sharciga.

Dhaqdhaqaaqyo xooggan ayaa ka socda baraha bulshada, dadka adeegsada ayaa isticmaalaya sawirro farshaxan iyo kuwa kale oo ka tarjumaya caabuqa Corona, fiditaankiisa iyo waxa la gudboon qof kasta.

Khubarada caafimaadka ayaa rumeysan in kala foggaanshaha dadweyne yahay habka ugu fudud ee lagu xakameyn karo caabuqa sida fudud ku faafa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan