Sidee ayay bacdu halis ugu tahay nolosha shimbiraha?

Himilo – Jaziiradda Lord Howe waa mid aad ku arkayso shimbiro calooshoodu ay ka shanqarayso dhawaqa bacda balaastikada sababta oo ah waxay aad u cunayaan bacaha. Shan meelood meel jirkooda kamid ah waxaa hadda noqday bacda ay cunaan. Waa arrin tiiraanyo leh balse sidoo kale mustaqbal hubanti la’aan ah gelinaysa jiritaanka noolaha ku nool oogada dhulka.

Caadiyan qofku marka uu calooshu xanuunto wuxuu ka maqlaa dhawaqyo jirkiisu sameeyaan oo iska dabiici ah, balse marwalba oo aad riixdo caloosha shimbirahan ku nool Jaziiradda Lord Howe waxaad maqlaysaa dhawaqii aad maqli jirtay marka aad bacda ku marmarto gacantaada ama aad jeexjeexdo.

Shimbiro-badeedkan ku nool Jaziiradda Lord Howe waxay gaarayaan 44,000. Waxaana cabsida laga qabo inay u dhintaan liqidda bacda balaastikada ay noqotay mid isasoo taraysa.

Qaar badan inta aysan u dhiman cunista bacda balaastikada waxaa xirma qabsinka kadibna waxay u rawaxaan si aayar-aayar ah. Hadda waxaa socda dadaal lagu doonayo in qiimo walba loo bixiyo si loo badbaadiyo.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan